Inta la xaqiijiyay 3-askari ayaa ku geeriyootay 3-kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Miino dhulka lagu aasay

3 askari ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay magaalada Muqdisho


Muqdisho

Ugu yaraan 3 Askari ayaa ku geeriyootay 3 kalena waa ay ku dhaawacmeen Qarax Miino oo lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo marayay Xaafado ka tirsan degmada Denili ee magaalada Muqdisho.

Ilo-wareedyo Milatari ayaa sheegay in weerarku uu dhacay xilli uu marayey Gaari ay lahaayeen Guutada 77-aad oo ku taalla xero ku taalla deegaankaas.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dhacdadan, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan.

Waxaa xusid mudan in Al-shabaab ay weli adeegsadaan miinooyinka iyo qaraxyada lagu aaso hareeraha waddooyinka si ay u qaadaan weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa Afrikaanta ah ee ku sugan gobollada dalka Soomaaliya, inkastoo weeraradan ay ka geysanayaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waayadan ay hoos u dhaceen.

Post a Comment

0 Comments