Leftagrin ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka Golaha Talada Qaranka
Maanta waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka soo gaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdulcasiis Xasan Maxamed “Liftagriin”, si uu uga qeyb galo shirka Golaha Talada Qaranka.
Waxaa garoonka Aadan Cadi ku soo dhoweeyay tiro wasiiro ah, wakiilo ka socday dowladda federaalka iyo siyaasiyiin kale, waxaana garoonka ku wehliyay ciidamo aan caadi ahayn oo dhanka ammaanka ah.
Kulanka ayaa lagu wadaa in uu furmo saacadaha soo socda, waxaana looga hadlayaa arrimaha doorashada heer federaal iyo heer maamul goboleed.
0 Comments