Madaxweyne Xasan oo daah furay shirka sanadlaha ah ee ururka bangiyada Soomaaliyeed
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Axad ah daah-furay shirka sannadlaha ah ee ururka bangiyada Soomaaliyeed, kaasoo diiradda lagu saarayo maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo hindisayaasha lagu maareynayo hannaanka maaliyadda dalka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ganacsatada horumarinta dalka, waxaana uu kula dardaarmay inay xil iska saaraan bixinta canshuuraha, ilaalinta shuruucda iyo xoojinta dowladnimada, si loo helo nabad waarta oo horseedi karta horumar ganacsi iyo maalgashi shisheeye.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka digay in laga fogaado nidaamka loo dejiyay bixinta canshuuraha, isagoo xusay in arrintaasi loo arko xatooyo iyo fal dambiyeed ay mudan yihiin in la ciqaabo dadka geysta canshuuraha, waxaana uu tilmaamay in ganacsatada ay yihiin kuwa fududeeya. canshuuraha ayaa loo isticmaali doonaa adeegyada bulshada iyo amniga.

0 Comments