U gudbinta soo jeedin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo loo gudbiyay Madaxtooyada Golaha Shacabka
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa warqadda Golaha u gudbiyay soo jeedin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Faki.
Wakiilada soo jeediyay soo jeedinta ka dhanka ah wasiir Faki ayaa ku saleeyay saluug la’aan shaqada wasaaradda, waxayna tilmaameen in wasiirku uu ku koobay dhammaan shaqadii wasaaradda.
Xildhibaanada soo jeediyay hindisaha ayaa sidoo kale sheegay in shaabadda wasaaradda ay adeegsadaan shirkado gaar ah, isla markaana lacagaha shirkadahan ay ku qaataan shaabadda wasaaradda arrimaha dibadda aysan ku dhicin qasnadda dowladda federaalka, iyagoo dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo shaqada wasiirka.
Waxaa la filayaa in soo jeedinta loo gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Faki looga doodi doono kalfadhiyada soo socda ee Golaha Shacabka, waxaana ilo xog ogaal ah ay sheegayaan in wakiilada ka soo horjeeda Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay wadaan olole ballaaran oo ay xilka kaga qaadayaan.
0 Comments