Kulan gaar ah oo looga hadlayay xaaladda ay ku sugan tahay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la qabtay

 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeeshay kulan ay uga hadleen xaaladda Soomaaliya


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta lagu wadaa in ay yeeshaan kulan gaar ah oo ay kaga hadlayaan xaaladda hadda ka jirta dowladda federaalka Soomaaliya iyo xiisadaha ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Xubnaha golaha amaanka ayaa ka hadli doona xaalada guud ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin arimaha amaanka iyo siyaasada iyo xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Macalin Faki. oo ay weheliyaan tiro kale oo saraakiil sare ah.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya xili uu gabagabo yahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 31-ka bishan October.

Post a Comment

0 Comments