Xamza Cabdi Barre oo booqday magaalada Baydhabo

Ra'iisul Wasaaraha oo booqday Beidou


Xamza Cabdi Barre

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta oo Arbaca ah booqasho ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehliyo Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka, C/laahi Maxamed Cali (Sanbululshi), ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Shaati Jaduud ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed Leftagrin.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo magaaladaas uu salka ku hayo sidii uu wax uga qaban lahaa arrimaha ka dhashay qorshaha dowladda Federaalka ay ku dooneyso in dhamaadka sanadkan ay ciidamada Itoobiya dalka uga baxaan.

Labada maamul goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa dhawaan ka soo horjeestay go’aankii dowladda Federaalka ee ku aadanaa ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, kaasoo lagu wado inuu dhaco marka uu dhamaado howlgalka Midowga Afrika ee “Atmes” ee Soomaaliya bisha December 2024-ka.

Post a Comment

0 Comments