Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay shirka Amniga iyo Cimilada ee caasimadda Muqdisho

 Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo furay shirka Amniga iyo Cimilada ee Muqdisho


Saalax Axmed Jaamac


Maanta ayaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalix Axmed Jaamac uu furay Shirka Amniga iyo Cimilada ee Caasimadda Muqdisho.

Shirkan ayaa ujeedadiisu tahay in lagu sahmiyo xiriirka ka dhexeeya isbedelka cimilada iyo amniga, waxaana isugu yimid madaxda sare ee dowladda iyo wakiilo ka socda saaxiibada caalamka.

Kulankan ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa saraakiisha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, iyada oo ujeedadu tahay in la wanaajiyo u diyaarsanaanta laamaha ammaanka si ay wax uga qabtaan caqabadaha la xidhiidha isbeddelka cimilada.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ay sida weyn u saameeyeen isbadelka cimiladu guud ahaan caalamka ayaa wajaheysa dhibaatooyin soo noq-noqda sida abaaro, gaajo iyo fatahaado, taasoo sii xumeyneysa barakaca gudaha iyo kordhinta khatarta colaadaha.


Post a Comment

0 Comments