Axmed Faqi oo gaaray Qaahira si uu uga qeyb galo shirka 162-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta

 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Qaahira si uu uga qeyb galo shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta


Axmed Faqi

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Faki ayaa gaaray magaalada Qaahira si uu uga qeyb galo shirka 162-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta ee heer wasiirro arrimo dibadeed, kaasoo maanta oo Talaado ah ka furmay xarunta Xogheynta Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta.

Inta uu socdo kulanka Wasiirada ayaa Goluhu waxa ay kaga doodi doonaan sidii loo joojin lahaa gardarada joogtada ah ee Israel ay ku heyso Gaza iyo Daanta Galbeed, iyo xaalada dalal badan oo Carbeed sida Libya, Yemen, Sudan iyo Somalia, marka laga soo tago garab istaaga Lubnaan. ammaanka marinka iyo saadka tamarta ee gobolka Gacanka Carabta, iyo biyo xidheenka Itoobiya.

Kalfadhiga hadda socda waxaa shir guddoominaya Jamhuuriyadda Yemen, waxaana shirarka ka qeyb galaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta iyo madaxda wafuuda, marka laga soo tago Ahmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Danjire Hossam Zaki, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ururka, iyo tiro ka mid ah Kaaliyeyaasha Xoghayeyaasha Guud.

Post a Comment

0 Comments