Xasan Sheekh oo ka hadlay xiriirka labada dal ee Qatar

 Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar ayaa khadka taleefanka kaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal


Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo xoojin lahaa, loogana hormarin lahaa dhinac walba.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli shalay oo Arbaco ahayd uu Amiirka dalkaasi khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qatar.

Intii uu socday baaqa ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee xaaladda Soomaaliya iyo arrimo badan oo gobolka iyo caalamka ah oo danta guud ah.

Post a Comment

0 Comments