Maxamuud C/raxmaan (Bini Bini) oo ku dhawaaqay in dowladda Federaalka ay dib u bilowday mashaariicdii horumarineed ee ay ka waday Puntland

 Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dib loo bilaabayo Mashaariic horumarineed oo laga waday Puntland


Maxamuud C/raxmaan

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan (Bini Bini) ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Federaalka ay dib u bilowday mashaariic horumarineed oo ay ka waday Puntland, kuwaasi oo uu si iskood ah u hakiyay maamulka Puntland.

Wasiir Benny Benny ayaa tilmaamay in maamul goboleedka Puntland uu horay u hakiyay fulinta mashaariicdan laga fulinayo deegaanada maamulkaasi, balse hadda la isku afgartay in dib loo bilaabo.

Warkan ka soo baxay Puntland ayaa imaanaya maalin kadib markii Puntland ay warqad u dirtay beesha caalamka taasi oo ay ku eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya siyaasadeyneyso mashaariicda lagu taageerayo dowlad goboleedka, iyadoo ugu baaqday deeq bixiyayaasha caalamka inay si toos ah ugu soo diraan deeqaha loo qoondeeyay.

Post a Comment

0 Comments