Xasan Sheekh ayaa ka dhoofay dalka isagoo ku wajahan caasimadda dalka Norway ee Oslo

 Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho 3 maalmood ah ku tagay magaalada Oslo


Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah ka dhoofay dalka, isagoo ku sii jeeda magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway, oo uu kaga maqan yahay booqasho shaqo oo qaadan doonta 3 maalmood.

War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu inta uu ku sugan yahay magaalada Oslo uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada dal.

Warku wuxuu intaa ku daray in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad ka jeedin doono shirka madasha sannadlaha ah ee Oslo 2024.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu booqashada ku guda jiro lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la qaato jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway, waxaana uu kala hadli doonaa xaaladda guud ee dalka iyo doorka ay ku leeyihiin dib u dhiska qaranka.

Post a Comment

0 Comments