Xamza Cabdi ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka South Korea iyo wadamada Afrika oo ka furmaya magaalada Seoul ee caasimadda Kuuriya

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galaya shir madaxeedka Kuuriya iyo Afrika


Xamza Cabdi Berri

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Seol ee caasimadda dalka Kuuriya kaga qeyb galay shir madaxeedkii u horeeyay ee u dhaxeeya Kuuriyada Koonfureed iyo dalalka Afrika, kaasi oo maanta oo Talaado ah si rasmi ah u furmay.

Shir madaxeedkan oo ay ku jiraan wafuud ka kala socota 48 dal oo Afrikaan ah ayaa looga hadlayaa caqabadaha caalamka sida isbedelka cimilada, cunto yarida iyo arrimaha caafimaadka.

Ra’iisul Wasaare Berri ayaa lagu wadaa in galabta uu khudbad ka jeediyo shirka, isagoo diiradda ku saaraya fursadaha maalgashi ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladda ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Post a Comment

0 Comments