Xamza Cabdi ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in ay hurinayaan colaadaha u dhaxeeya beelaha Soomaaliyeed

 Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay hurinayaan colaadaha u dhaxeeya beelaha Soomaaliyeed


Xamza Cabdi

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa  Al-Shabaab ku eedeeyay in ay hurinayaan colaadaha u dhaxeeya beelaha Soomaaliyeed, isla markaana ay dhibaato ka dhex abuurayaan.

Barre ayaa tilmaamay in hadafka laga leeyahay uu yahay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku mashquulaan xal u helida dagaal beeleedyada, bedelkii ay sii wadi lahaayeen howlgalada ciidan ee ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay isku tashadaan oo ay ka fogaadaan dagaal beeleedyada, waxa uuna ku hanjabay in dowladiisa ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo lagu helo dagaal beeleed.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli gobollo badan oo dalka ka tirsan ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeya qabaa'il Soomaaliyeed oo ay ka dhasheen khasaare nafeed oo aad u badan, kuwaasoo mararka qaarkood ku qasbayay dowladda Soomaaliya inay soo farageliso joojinta colaadahaas.

Post a Comment

0 Comments