Madaxweyne Maxmauud oo gaaray magaalada Nairobi si uu uga qeyb galo shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay fiidnimadii Talaadada gaaray magaalada Nairobi, si uu uga qeyb galo shirka konton iyo sagaalaad ee Bankiga Horumarinta Afrika iyo shir sanadeedka kontonaad ee Sanduuqa Horumarinta Afrika.
Shirarka sannadlaha ah ee sannadkan ayaa diiradda lagu saarayaa dib u habeynta maaliyadda Afrika, iyadoo ay goobjoog ka yihiin madaxweynayaal ka socda dalal badan oo Afrikaan ah iyo madaxda Bankiga horumarinta Afrika.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in madaxweyne Maxamuud uu kulamo la qaato madaxweynayaasha Afrikaanka ah iyo madaxda ka qeyb galeysa shirka.
Madaxweynaha Soomaaliya oo horraantii bishan u dabaaldegay labo sano guuradii ka soo wareegatay markii uu xilka qabtay, ayaa saddex booqasho ku tagay Kenya 30-kii maalmood ee la soo dhaafay, taasoo muujineysa ahmiyadda ay Kenya ku leedahay xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee Soomaaliya.
0 Comments