Ra’iisul Wasaaraha ayaa qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya
Sabtidii, Ra’iisul Wasaare Hamza Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.
Berri ayaa kala hadlay safiirka xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo uga mahadceliyay dowladda Qatar taageerada ay Soomaaliya ka siiso dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah.
Safiirka Qatar ayaa dhankiisa kulanka Ra’iisul Wasaaraha u xaqiijiyay in dalkiisa uu sii wadi doono caawinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
0 Comments