Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Afrika ayaa heshiis maaliyadeed ku soo gebagebeeyey magaalada Nairobi
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay heshiis ku kacaya in ka badan 18 milyan oo dollar oo ay la gashay kooxda Bankiga horumarinta Afrika, si loo dhimo khataraha ka dhalan kara musiibooyinka cimilada.
Heshiiskan ayaa waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iman Aghi iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Dr. Beth Dunford.
Munaasabadda saxiixa kadib ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Bankiga Horumarinta Afrika uu garab istaago dalkiisa.
0 Comments