La-taliyaha Madaxweynaha ayaa dhaliilay ka maqnaanshaha Madaxweynaha Puntland ee wada-hadallada dastuurka

 Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya oo dhaliilay ka baaqashada Madaxweyne Deni ee wada-hadallada dastuurka


La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya

La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Dastuurka, Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa ku eedeeyay Ra’iisal Wasaaraha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid C/llaahi Deni, in uu ka maqan yahay miiska wada xaajoodka, sababo la xiriira danihiisa gaarka ah.

La-taliyaha oo wareysi siinayay mid ka mid ah Telefishinada Maxaliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wakiilada Puntland ee Baarlamaanka Federaalka ay u codeeyeen wax ka bedelka dastuurka, isagoo xusay in Madaxweyne Deni uu gacantiisa ku qoray magacyada 60-ka xubnood ee matalaya maamulkiisa.

Maxamuud ayaa ku booriyay dowlad goboleedyada inay ku kalsoonaadaan wakiilada ay u soo direen inay ku matalaan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Bishii Maarso 2024, labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedelka dastuurka oo ay ku jiraan xoriyatul qawlka, matalaada haweenka, iyo nidaamka dowladnimo ee dalka, si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynayaashii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed , iyo siyaasiyiin kale ayaa ka soo horjeestay in Baarlamaanka uu wax ka bedel ku sameeyo dastuurka.

Post a Comment

0 Comments