Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Aboul Gheit oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyay dalalka Jaamacadda Carabta sida ay uga soo horjeesteen damaca xun ee Itoobiya, isla markaana ay taageerayaan madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay kala hadlay amniga iyo istiraatiijiyadda marinka Bab al-Mandab ee Badda Cas, xaaladda Geeska Afrika, iyo cawaaqibka ka dhalan kara tallaabada halista ah ee Itoobiya ku dooneyso inay ku wiiqdo madax bannaanida Soomaaliya. iyo midnimada dhuleed.
Madaxweyne Maxmauud ayaa hoggaanka Jaamacadda Carabta la wadaagay mowqifka mideysan ee shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliya ay kaga soo horjeedaan damaca xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee ku aadan ku xadgudubka madax banaanida Soomaaliya ee berriga iyo badda.
Xoghayaha Jaamacadda Carabta, Aboul Gheit, ayaa muujiyay dadaalka iyo taageerada Jaamacadda Carabta ee lagu xoojinayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, wuxuuna sheegay inaan la aqbali karin ku xad-gudubka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo saldhig u ah xasilloonida gobolka.
0 Comments