Wasiirka Gaadiidka, Ferdousa Othman iyo wafdigii la socday ayaa la kulmay Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga

 Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo la kulmay Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga


Ferdousa Othman

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ferdousa Othman iyo wafdigii la socday ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga Sultan bin Abdul Rahman Al-Murshid. ee Sucuudiga.

Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga labada dhinac, mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa ka fuliyo dalalka soo koraya, iyo saameynta ay mashaariicdani ku leeyihiin kobaca iyo barwaaqada bulshooyinka.

Wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyay heerka ay gaarsiisan tahay diyaargarowga Soomaaliya ay ugu jirto maalgashiga tooska ah, gaar ahaan horumarinta garoomada diyaaradaha, wadooyinka iyo mashaariicda kale ee mudnaanta u leh dalka.

Waxaa xusid mudan in dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ahmiyad gaar ah siineyso taageeridda dhinacyada horumarinta, iyadoo Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga uu Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fidiyay deyn horumarineed oo jilicsan tan iyo 1977-kii, si loogu maalgeliyo 4 mashruuc iyo barnaamijyo horumarineed oo ku kacaya in ka badan $134. milyan, si loo taageero dhinacyada waxbarashada, beeraha iyo warshadaha.

Post a Comment

0 Comments