Xamza Cabdi Berri oo ka qayb-galaya dib-u-bilaabista Cusbitaalka Sheekh Zayid

 Isbitaalka Sheekh Zayed ee Muqdisho oo dib loo bilaabay


Xamza Cabdi Berri

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay dib u howlgelinta Isbitaalka Sheekh Zayed ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Berri, oo uu wehliyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi, ayaa kormeeray qaybo badan oo ka mid ah isbitaallada, isagoo bogaadiyay taageerada Imaaraadka ee dib u howlgelinta isbitaalka.

Waxaa xusid mudan in isbitaalka Sheekh Zayed laga furay degmada Cabdul Casiis ee magaalada Muqdisho 4-tii bishii June ee sanadkii 2015-ka, iyadoo ay maalgelinayso dowladda Imaaraadka Carabta, kaasoo sidoo kale dalka ka fulinaya mashaariic kala duwan oo dhinaca bini’aadanimada iyo horumarinta ah.

Post a Comment

0 Comments