Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland oo lagu waayay magaalada Nairobi
Wasiirkii hore ee Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdul Rashiid Janan oo ugu dambeeyay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa la waayay, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in la dilay.
Wasiirka amniga maamulka Jubaland ee koonfurta Soomaaliya Yuusuf Xuseen Cismaan “Domaal” oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay laamaha ammaanka ee dowladda Kenya inay soo bandhigaan halka uu ku danbeyn doono Jinaan.
Dumaal ayaa yiri: “Waxaan ka codsanayaa dowladda aan walaalaha nahay ee Kenya iyo hay’adaha ammaanka inay soo bandhigaan halka uu ku dambeyn doono Janan, oo Nairobi lagu la’yahay muddo lix maalmood ah.”
Wasiirka Amniga Jubaland ayaa sidoo kale ugu baaqay Soomaalida ku nool dalka Kenya gaar ahaan caasimadda Nairobi in ay ka qeyb qaataan baadigoobka Cabdul Rashiid Janan oo ay ku ogaanayaan in uu nool yahay iyo in uu dhintay.
Dhankiisa Maxamed Ogaas Axmed oo ah Ugaaska Beesha uu ka soo jeedo C/rashiid Jinan ayaa isna dhankiisa ka hadlay sida uu uga walaacsan yahay halka uu ku dambeyn doono Wasiirkii hore ee Amniga, waxaana uu Dowladda Kenya u soo jeediyay inay qaado tallaabo lagu badbaadinayo Jinan, wuxuuna xusuusiyay in mas’uuliyadda ilaalinta nafta iyo maalka Soomaalida deggan dhulka Kenya ayaa saaran.
Hogaamiye beeleedka ayaa intaa ku daray in qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed horay loogu qafaashay gudaha Kenya, laguna dilay si sharci darro ah, taasoo keentay shakiga ah in Soomaalida qaarkood si gaar ah loo bartilmaameedsado.

0 Comments