Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Mario Daco Coppi

 Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga wadajirka ah


Xamza Cabdi Barre iyo Pier Mario Daco Coppi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Mario Daco Coppi.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo kobcin lahaa iskaashiga wadajirka ah iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah iyo barnaamijyo horumarineed oo kala duwan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada joogtada ah ee uu Talyaanigu la garab taagan yahay iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya.

Sannadkii hore, Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay ku dhawaaqeen inay billaabayaan sanduuq cusub oo lagu taageerayo dadaallada dalka lagu gaarayo nabadda iyo xasilloonida.

Post a Comment

0 Comments