Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Canada ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Absher Cumar Jaamac, ayaa la kulmay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Canada, Axmed oo ka qayb galay shirka “Doha Forum 2023” ee lagu qabtay caasimadda Qatar.
Intii uu socday kulanka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONA, waxaa looga hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Canada iyo sidii loo xoojin lahaa, loona horumarin lahaa.
Waxaa xusid mudan in bulsho badan oo Soomaaliyeed ay ku nool yihiin magaalooyin kala duwan oo dalka Canada ah, waxaana Canada ay noqotay dowladda afaraad ee deeqaha ugu badan siiso Soomaaliya sanadka 2022-ka.
0 Comments