Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shir guddoomiyay shirka amniga Soomaaliya oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay

 Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-gudoomiyay shirka amniga Soomaaliya ee New York


Madaxweynaha Xasan Sheekh

Talaadadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir-gudoomiyey shirka amniga Soomaaliya oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, iyadoo shirkaas lagu soo bandhigay muhiimadda uu amniga Soomaaliya u leeyahay gobolka.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen 26 dowladood, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa Madaxweynaha waxa uu ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay qorshayaashii dowladdiisa ee ku aaddan dib u dhiska ciidanka iyo xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan argagixisada. , Ahmiyadda iskaashiga amniga ee heer qaarad iyo heer caalami, ka bixitaanka ciidamada AMISOM, iyo xasiloonida siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa yiri “ dhimista tirada ciidamada AMISOM ee hadda jirta waxay cadeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha lagu xaqiijinayo Soomaaliya oo xasiloon oo leh adeegyo amni oo awood u leh inay si buuxda u qaataan mas’uuliyadda amniga dalka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyey dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, haatanna ka taageeraya cafinta daymaha lagu leeyahay iyo dhismaha ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray: “Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka taariikhiga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka qaatay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, taasoo muujineysa horumarka ballaaran ee laga gaaray habka loo maamulo hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankan uu noo ogolaanaya in si buuxda loo qalabeeyo ciidamada Qaranka.

Post a Comment

0 Comments