Wakiilada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ansixiyay miisaaniyada dowlad goboleedyada

 Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyay Miisaaniyadda dalka ee sanadka 2024-ka


Baarlamaanka Soomaaliya

Wakiilada Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhi wadajir ah oo ay maanta yeesheen ku ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2024-ka.

186 mudane ayaa u codeeyay qabyo qoraalka miisaaniyada, halka 3 mudane ay diideen in la ansixiyo, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha guurtida Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku dhawaaqay natiijada codeynta.

Miisaaniyadda ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa gaareysa $1,025,687,991, waxaana lagu wadaa in loo gudbiyo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu u saxiixo.

Post a Comment

0 Comments