Wasiir Axmed Xasan ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo madaxa ergada Midowga Yurub

 Wasiirka Kalluumeysiga oo la kulmay madaxa howlgalka tayeynta Midowga Yurub ee Soomaaliya


Axmed Xasan Aadan,

Sabtidii, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Xafiiska Tayeynta Midowga Yurub ee Soomaaliya, Koko Altoma.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya wasaaradda iyo howl galka, dardar gelinta howlaha mudnaanta leh ee ka tarjumaya baahiyaha dalka ee dhanka kalluumeysiga, is dhaafsiga xogaha la dagaalanka kalluumeysiga sharci darrada ah, iyo horumarinta tallaabooyin wax ku ool ah oo kalluumeysi.

Madaxa Hawlgalka Kobcinta Midowga Yurub ee Soomaaliya, Altoma, ayaa Wasiirka Soomaaliya uga warbixiyay howlihii muhiimka ahaa ee laga soo qabtay dhanka horumarinta farsamada kalluumeysiga, isagoo muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay, uuna u soo dhaweynayo inuu si toos ah ula shaqeeyo Wasaaradda.

Wasiir Aadam ayaa dhankiisa sheegay in wasaarad ahaan ay mudnaan gaar ah siineyso horumarinta kalluumeysiga iyo ka faa’ideysiga kheyraadka badda si dalka uu u gaaro horumar iyo isku filnaansho dhaqaale oo waara, sidaas darteedna loo baahan yahay in mashaariicda horumarineed ee dhinacyadan la xiriira ay sii socdaan.

Post a Comment

0 Comments