Madaxweynaha Soomaaliya oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa go’aansaday inuu Dr. Xasan Cumar ka qaado xilka Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u magacaabay ku-simaha Guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Xasan Cismaan Gacal.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh C/qaadir ayaa Madaxda Xafiisyada Jaamacadaha u xilsaaray in ay la shaqeeyaan ku simaha Guddoomiyaha Jaamacadda inta lagu jiro xilliga kala guurka ah inta laga dooranayo Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda.
Ma cadda sababta ka dambeysa xil ka qaadista lagu sameeyay, balse go’aankan ayaa yimid maalmo kadib markii uu ka goostay Madaxii Kulliyadda Arrimaha Bulshada ee Waaxda Saxaafadda, kuna biiray Xarakada Al-Shabaab.
Kadib markii la xiray sanadkii 1990-kii burburkii dowladii hore ee militariga ee uu hogaaminayay Allaha u naxariistee General Maxamed Siyaad Barre, jaamacada oo la aas aasay sanadkii 1971-kii ayaa dib loo furay bishii August ee sanadkii 2014-kii.
0 Comments