Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa labo kulan la qaatay Guddiga dib u eegista Dastuurka

 Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiyada dib u eegista Dastuurka


Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddiga Dib u eegista Dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la qaatay guddiga la socodka dib u eegista iyo dabagalka hirgelinta dastuurka iyo guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka, waxaana uu kala hadlay muhiimadda ay leedahay dhameystirka dastuurka KMG ah ee ku aaddan xasilinta dalka. iyo hanaanka dowlad dhisidda Soomaaliya.

Xubnaha labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay howlihii laga soo qabtay dib u eegista dastuurka iyo la tashiyada ay la sameeyeen khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed, waxayna tilmaameen in si deg deg ah ay u soo dhameystiri doonaan howlahooda shaqo si markaasi loogu soo wareejiyo labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Baarlamaanka si ay u gutaan waajibaadkooda.

Madaxweynaha oo labada kulan uu ku wehlinayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamzah Cabdi Berri ayaa sheegay in heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhuna uu soo bandhigay sida ay wax u socdaan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fududeyneysa shaqo kasta oo farsamo oo la xiriirta dhameystirka dib u eegista dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xubnaha labada guddi ku bogaadiyay shaqada ay hayaan, wuxuuna kula dardaarmay inay dardar geliyaan qorista dastuurka, isla markaana ay dadaal dheeri ah ku bixiyaan sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu u noqon lahaa dal leh dastuur dhameystiran oo meesha ka saara xasilooni darada siyaasadeed.

Post a Comment

0 Comments