Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa qaabilay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta

 Mohamed bin Zayed iyo Putin ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal


Putin ayaa qaabilay Mohammed bin Zayed

Jimcihii, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku qaabilay St. Petersburg Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Kulanka labada madaxweyne ayaa ka dhacay magaalada St. Petersburg ee caalamiga ah ee dhaqaalaha sanadkan.

Labada Madaxweyne waxay ka wadahadleen, sida ay ku warantay Wakaalladda Wararka Imaaraatka ee (WAM), “Xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka iyo kan caalamiga ah... waxayna dib u eegis ku sameeyeen dariiqa xiriirka Imaaraadka iyo Ruushka ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada dal.

Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa yiri “Iskaashiga Ruushka iyo Imaaraadka waa mid xooggan, waxaana dooneynaa inaan horumarino xiriirka”.

Waxa uu xaqiijiyay habka adag ee Imaaraadku ku taageerayo nabadda iyo xasilloonida fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, iyo xallinta siyaasadeed ee khilaafaadka iyo iskahorimaadyada, oo ay ku jiraan xiisadda Ukraine, iyada oo loo marayo hoos u dhigista, wadahadal iyo diblomaasiyad.

Putin ayaa dhankiisa ka mahad celiyay dadaalka Imaaraadka Carabta ay ku doonayaan in lagu sii daayo maxaabiista Ukraine.

Petersburg International Economic Forum waxaa la qaban doonaa June 14-17.

Post a Comment

0 Comments