Magacaabista taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed
Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxuyidiin Cadow, waxaana uu xilka kala wareegay General Oduwa Yuusuf Raaji oo xilkaan hayay tan iyo sanadkii 2019-kii.
Taliyaha cusub ee la magacaabay ayaa leh khibrad ciidan, isagoo horay xilal kala duwan uga soo qabtay ciidanka, isagoo soo noqday taliyaha guutada 60-aad ee ciidanka ilaalada madaxtooyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay magacaabista taliyaha cusub, waxaana uu xusay in muwaadin kasta oo Soomaali ah, rayid iyo ciidanba maanta ay saaran tahay mas’uuliyad ballaaran oo ku aadan xoreynta dalka, isagoo ku ammaanay sida ay heeganka ugu yihiin ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed. dalka laga sifeeyo argagixisada shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dar daarmay taliyaha cusub Gen. Ibraahim Sheekh Max’uddiin inuu sii wado dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab iyo dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
0 Comments