Xamza Cabdi oo qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u fadhiya Soomaaliya

 Ra’iisul Wasaaraha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u fadhiya Soomaaliya


Xamza Cabdi iyo Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u fadhiya Soomaaliya, Muhammad Heri

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamzah Cabdi Barre, ayaa maanta oo Talaado ah xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Xiri Sariibudiin, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka oo ka dhacay xafiiska Berri ee magaalada Muqdisho ay labada dhinac uga wada hadleen qoto dheer ee xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Waxa kale oo ay ka wadahadleen arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo faylal dani guud ah, waxaanay carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la balaadhiyo aragtida iskaashiga si loo fuliyo danaha labada dal.

Post a Comment

0 Comments