Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kala hadlay sii-hayaha safaaradda Ingiriiska xoojinta taageerada ciidamada
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jameh ayaa kulan la qaatay ku-simaha Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya dalkaas Mudane Ed Burnett.
Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen sidii loo kordhin lahaa taageerada ciidan ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta ah iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dalka, iyadoo sidoo kale la isla soo qaaday sidii loo xoojin lahaa tababarada dhanka ciidamada. qaybta ciidamada iyo hubaynta ciidamada qaranka.
Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen xaqiijinta amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday in la taageero qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in golaha ammaanka Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya muddo dheer.
0 Comments