Robbie Fowler ayaa u hambalyeeyay Salah ka dib markii uu jabiyay rikoorka gooldhalinta ee Liverpool
Weeraryahankii hore ee Liverpool Robbie Fowler ayaa u hambalyeeyay Mohamed Salah, kaasoo jabiyay rikoorka gooldhalinta Reds ee horyaalka Ingiriiska.
Mohamed Salah ayaana noqday gooldhaliyaha taariikhiga ah ee Liverpool ee horyaalka Ingiriiska, ka dib markii uu laba gool ka dhaliyay 7 gool oo ay kooxdiisu ka dhalisay Red Devils (fiiri faahfaahinta).
Fowler ayaa boggiisa gaarka ah ee Twitter-ka ku yiri: “Hambalyo weyn ayaan u dirayaa Mohamed Salah, halyeeyga Liverpool”.
Salah waa gooldhaliyaha kaliya ee taariikhiga ah ee Liverpool udhaliyay horyaalka Ingiriiska, isagoo dhaliyay goolkii 129-aad, isagoo ka sare maray Robbie Fowler.
Boqorka Masar ayaa soo ceshaday dhalashadiisii habeenkan weyn, isagoo kor u qaaday 12 gool oo uu ka dhaliyay United, si uu u noqdo gooldhaliyaha taariikhiga ah ee Northwest Derby.
Salah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda Liverpool ee gool ka dhaliya Manchester United 5 kulan oo isku xigta oo horyaalka ah.
Goolasha uu dhaliyay kabtanka Masar xilli ciyaareedkan waxa uu gaaray 22 gool tartamada kala duwan.
Laacibkii hore ee Basel ayaa xilli ciyaareedkiisii lixaad la ciyaaraya Liverpool, kaasoo xagaagii 2017 kaga soo biiray Rome.
291-kulan oo uu kaga qeyb galay Liverpool tartamo kala duwan, Salah waxa uu dhaliyay 178-gool, wuxuuna caawiyay 74-gool.
Waxa uu kooxda la qaaday todobo koob, European Champions League 2019, European Super Cup iyo Club World Cup isla sanadkaas, ka dibna Premier League-ga Ingiriiska xilli ciyaareedkii 2019-2020, Professional League Cup, FA Cup iyo Samafalka Shield sanadka 2022.
0 Comments