Midowga Yurub ayaa ogolaaday in uu bixiyo 116 milyan oo dollar si loo xoojiyo ammaanka Soomaaliya
Midowga Yurub ayaa isku raacay in uu bixiyo lacag dhan 116 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, si loogu caawiyo dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya, kaasi oo lagula dagaallamayo maleeshiyaadka argagixisada ah ee ku sugan guud ahaan dalka.
Midowga Yurub ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay sida ay maanta sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed in 90 Milyan oo Doollar ay ku dari doonaan dhaqaalihii horay loo abaabulay, looguna talagalay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya 2023-ka iyo 26.6 Milyan oo Doollar oo loogu talagalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Warku wuxuu intaa ku daray in taageerada la isku afgartay ay qayb ka qaadan doonto gunnooyinka ciidamada Afrikaanka ah ee loo dirayo Soomaaliya si ay u gaaraan dadaallada xasilinta Soomaaliya, iyadoo sidoo kale dhaqaalaha loo qoondeeyay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu xoogga saari doono sidii loo heli lahaa qalab aan dagaal ahayn iyo ka shaqeynta kaabayaasha dhaqaalaha, iyadoo loo marayo wadashaqeyn dhow. isagoo la socda Howlgalka Tababarka Yurub ee Soomaaliya.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in labada tallaabo ay uga gol leeyihiin in ay gacan ka geystaan sidii mas’uuliyadaha amniga ee ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya loogu wareejin lahaa ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo loo oggolaanayo kuwii hore inay fuliyaan waajibaadkooda iyadoo la xoojinayo awoodda kuwa dambe.
0 Comments