Guulaha ay gaartay dowladda federaalka Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Berri ayaa Midowga Yurub kala hadlay taageerada qorshaha lagu doonayo in lagu xasiliyo deegaanada laga saaray Khawaarijta, iyadoo dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso in si deg deg ah loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah ee deegaanadaasi.
Waxayna dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigtay godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta Hirshabeelle. Taasi waxay ka dhigan tahay in xeeladdii dagaal ee Khawaarijta ay sii dhammaanayso, meel kasta oo ay soo galaan ama ay ku dhuuntaanna ay ku daba jiraan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay horumarka laga gaaray dagaalka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Khawaarijta, xiriirka wanaagsan iyo wadashaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyo sidoo kale horumarka laga gaaray cafinta daymaha.
0 Comments