Dhimashada labada dhul gariir ee ku dhuftay gobolka Hatay ee koonfurta Turkiga ayaa gaartay 6 qof.
Maanta oo Talaado ah, Hay’adda Gurmadka Degdegga ah ee Turkiga (AFAD) ayaa ku dhawaaqday in 6 qof ay ku dhinteen 294 kalena ay ku dhaawacmeen labada dhul gariir oo 18 ka mid ah ay xaaladoodu liidato.
Inta badan dadka deegaanka ayaa isaga baxay deegaanka Hatay iyadoo laga cabsi qabo in dhulgariirku uu soo noq-noqdo, iyadoo maamulka dowladda hoose ay sheegeen in ay heleen xogo dhowr ah oo ku saabsan dad ku hoos xayirmay burburka dhul gariirkii dhawaan dhacay, waxaana ay xaqiijinayaan in ay socdaan howlo gurmad ah oo ay wadaan kooxaha gurmadka ah.
Sida laga soo xigtay "AFAD", laba dhulgariir oo cabbirkooda lagu qiyaasay 6.4 iyo 5.8 ayaa ku dhuftay gobolka Hatay fiidnimadii shalay, waxaana dhismayaal ku dumay magaalooyin dhowr ah.
Halka gariirkii laga dareemay Giriiga, Masar, Israa'iil, Lubnaan, Suuriya iyo Qubrus.
Labadan dhul-gariir ayaa ku soo beegmay xilli dhul-gariirkii ka dhacay oo lixdii bishan uu ka dhacay dhul-gariir aad u xooggan uu weli ka bogsanayo dhaawacyadii soo gaaray, isla markaana laga saarayo burburka iyo meydadka, iyadoo laga digayo inay dumaan dhismayaal kale oo aad u dillaacay. natiijadii masiibadii ugu horeysay ee galaaftay nolosha in ka badan 46,000 oo qof oo ka dhacay koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya. Waxa ay sidoo kale burburisay kumanaan dhismayaal ah waxaana ay barakicisay ku dhawaad hal milyan oo qof oo ku nool Turkiga, marka lagu daro ilaa 5 milyan oo ku sugan Suuriya.
0 Comments