Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo dalka Talyaaniga kula kulmay mas’uuliyiinta xiriirka shirkadaha kalluumeysiga ee Qaranka
Rome- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadam ayaa la kulmay Xiriirka Shirkadaha Kaluumeysiga Qaranka, Ganacsatada Talyaaniga iyo Hay’adaha daneeya kalluumeysiga.
Wasiirka ayaa intii uu kulanka socday soo hadal qaaday taariikhda soo jireenka ah ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Talyaaniga, wuxuuna sheegay in shirkadaha kalluumeysiga ay fursad u heystaan in ay maalgashi ku sameeyaan dalkiisa si ay uga faa’iideystaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha daneeya.
Wasiirka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay mas’uuliyiinta Xiriirka Qaranka ee Shirkadaha Kalluumeysiga Talyaaniga sida ay u daneynayaan in ay maalgashadaan dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.
0 Comments