Xiddiga khadka dhexe ee Everton Amadou Onana ayaa iska diiday inuu u dhaqaaqo Chelsea , sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Belgium.
Chelsea ayaa ku kharash garaysay in ka badan 150 milyan ginni saxiixyo cusub bishaan laakiin waxay wali raadineysaa inay ku xoojiso kooxda Graham Potter ka hor dhamaadka bishaan
Xiddiga Benfica ee Fernandez ayaa ahaa bartilmaameedka ugu sareeya ee khadka dhexe ee Chelsea laakiin kooxda reer Portugal ayaa diidan in ay xiddiga ku iibiso wax ka yara 120 milyan oo euro.
Chelsea ayaa raadinaysa xiddigo badalkiisa ah waxana ay arkootay xiddiga kooxda dhibaatoonaysa ee Onana kaas oo ay aad ula dhacday qaab ciyaareedkiisa.
Sida laga soo xigtay wargeyska Belgian Het Nieuwsblad, Chelsea ayaa kalsooni ku qabta inay heshiis la gaari karaan Everton si ay u helaan saxiixa Onana.
Si kasta ha ahaatee xiddiga 21 jirka ah ayaa diiday in uu ku biiro kooxda chelsea waxana uu go’aansaday in uu si joogo Everton si uu u caawiyo kooxda xilli ciyaareedkan.
0 Comments