Elon Musk oo go'aan ku qaatay afti uu u soo bandhigay dadka isticmaala Twitter

 

twitter

Elon Musk ayaa sheegay inuu ka fadhiisan doono shaqada madaxa twitter-ka marka uu helo qof la wareego maamulka guud ee shirkadda Twitter-ka.


Musk ayaa ballanqaaday inuu tixgelin doono natiijada afti uu u soo bandhigay dadka isticmaala barta twitter-ka oo uu ku weydiinayay inay u codeeyaan "haa" haddii ay rabaan inuu ka fadhiisto maamulka shirkadda twitter.


Isbadellada ka dhacay twitter-ka tan iyo markii uu Elon Musk la wareegay ayaa si weyn loo cambaareeyay.


La wareegitaanka Elon Musk ee Twitter-ka ayaa sababay dood joogto ah oo ku saabsan mustaqbalka madashan - xitaa dawladda Maraykanku waxay muujisay "walaaca ku saabsan awoodda ay leeyihiin warbaahinta bulshada ee waaweyn".


Balse la wareegitaanka Musk ee goobtan oo ay ku baxday lacag $44 bilyan ah ayaa sidoo kale iftiimisay "taariikhdiisa wax kusoo qoridda twitter-ka" taas oo muran abuuri jirtey markaa kasta oo uu wax soo qoro bilyaneerkan ku dhashay Koonfur Afrika.


Post a Comment

0 Comments