Geelu waxa uu ka mid yahay afarta maal-adduunyo ee Soomaalidu haysashadooda ku hammiyi jireen. Waxa uu ahaa halbeegga ay ku cabbiri jireen hodantinnimada qofka iyo hantidiisa, ninkii kadin geel ah foofsadaana waxa uu agtooda ka ahaa mid loo soo joogsado oo arrinkiisa la aqbalo. Waxay u arkayeen in ninkii geel lihi si fudud u gashi bixi karo, taasna waxaynu ka garan karraa odhaahda caanka ah ee tidhaahda: ‘dameertaydii baa nin geel leh ii gashay’.
Dhanka kale, qofkii maalkiisa ku loofara ee aan waxba tashiilan waxay weydiin jireen su’aasha ah: ‘Ma geela ayaa korammo idiin ku jiraan?’ Sidoo kale ruuxii cadho aawadeed foolkiisu madoobaado ee la xejin kari waayo, waxay ku odhan jireen ‘Ma geelii aabbahaa ayaa la dhacay?’ amase ‘geeliisii ayaa cirka lagu maalayaa’, iyagoo gar u arkaayey ninkii geeliisa la damaaciyaa inuu marooradillaaco oo marada madaxa ku marto.
Haddii la eego maansada, maahmaahda iyo sheekooyinka murtida leh ee Soomaalidu illaa waa hore isu soo tebin jirtay, waxa muush ka ah geela iyo dhacdooyinkiisa, taas oo ina tusaysa sida geelu noloshooda ugu soohnaa. Iska dhaafe, ubadka ay dhalaan magacyadii ay ugu wanqali jireen ayaa jacaylkii geela ay u qabeeni ka soo dhex tafay, saa waynaga maqallay: geelle, geeljire, geeldoon, geelxoor, caanogeel iyo kuwo kale.
Guud ahaan Soomaalida, waxaa ku jirta rooxaan geela jecel, reermiyiguna waabu ka sii xagjiraa. Jacaylka geela ayaa madaxmaray, kolkaasay xataa ruuxda bini-aadamku qiimihii ay lahayd neefaf geel ah dhaafsadeen, bal u fiirso meerisyadan miidaamada ah ee gabyaa Ina xasan-Deri la oran jirey laga soo sheegay. Wuxuu yidhi, cabdi warsame baanji oo ‘Cabdi-Gahayr’ lagu garan og yahay ayaa isna cid walba baradhaafiyay kolkii uu aaminay in jacaylka geelu yahay mid kitaabiya ah oo diinka muxammadiya boos ku leh. Waxa uu daliishaday in raggii rag ahaa ee nebi Muxammed la jaalay ay geelleey ahaayeen, aakhiro kolkii la tago ee uumiyaha la xisaabiyana, ninkii aan ifkii ayro soo dhaqan in arrinkiisu Allow sahal yahay!!! Malahayga waxa uu u jeedaa ninkii aan geel badan oo uu seko iyo sadaqo ka bixiyo lahayni, markii suurta la afuufo ee siraadka la maro, inuu solayga naareed ku siibto ayaan si xun uga yaabayaa. Wuxuu yidhi Cabdi-Gahayr.
0 Comments