Markii iigu horreeyey ee aan taageyba Magaalada Qaahira, waxaan ku soo arkey ilbaxnimo, Aqoon iyo Taariikh wax badan laga baran karo Waxaa loogu yeeraa Qaahira magaaladii kunka minaaradood Xaafadda Qalcadda Salaaxudiin keligeed waxaa ku yaalla 100 masaajid, iyadoo caan ku ah magaalo marwalba camiran habeenkii iyo maalintii labadaba waxayna ku jirtaa caasimadaha dunida ee habeenkii aadka loogasoo jeedo.
Goobaha aan la yaabey waxaa ka mid ah qalcadda Salaaxudiin, jaamacadda az-har iyo masaajidkeeda, xaafadda zamaalik iyo ahraamta giza oo dhamaantood raad xusuus weyn igu reebay, waayo waxay leedahay magaaladani goobo badan oo taariikhi ah oo badan aad kula kulmaysoo dalxiisayaal badan oo kala duwan, kuwaas oo isaga yimi daafaha caalamka oo dhan, waxay leedahay sidoo kale webiga nile oo magaalada ku wareegsan.
Masaajidki saxaabi Cammar Bin Caas oo uu dhisey xilligii Nebigeennu Muxammed SCW uu noolaa ayaa ka mid ah mucjisooyinka aan ku soo arkey magaalada Qaahira, magaaladan xadaarada u saaxiibka ah ee caasimada dalka masar ee lagu magacaabo qaahira ayaa ah magaalo ay wadamada dunida oo dhan kuleeyihiin safaaradahooda kana shaqeeyo tacaamulka aduunka oo dhan, iyagoo shacabka kunoolna yihiin dad aad u ilbax ah.
0 Comments