Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Imaaraadka Carabta isagoo ka hadlayay in Madaxweynaha Soomaaliya Dr. xasan sheekh maxamuud uu warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda imaaraadka carabta u fadhin doona dalka, danjire axmed juma al rumaithi, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada.
Isagoo ka hadlayay xil wareejinta salaantii Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Danjire Ahmed Al Rumaithi, intii ay socotay munaasabadda xil wareejinta, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay soo dhoweynta diiran ee uu kala kulmay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, dalka imaaraatka carabta ayaa ah dalka keliya ee shacabka iyo dawlada soomaaliyeed taageerada dhinac walba leh siiya isagoo usoo dira shacabka soomaaliyeed marwalba taageero joogto ah.
Si loo muujiyo hambalyada madaxweyne Dr. xasan sheekh, danjire ahmed juma al rumaithi, oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya, isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto shaqadiisa, isla markaana uu ka qeyb qaato xoojinta xiriirka fog ee labada shacab ee walaalaha ah, dawlada imaaraatka carabta ayaa ah dawlada keliya ee sida buuxda ugarab istaagta shacabka soomaaliyeed iyagoo usoo garmaday dhowr jeer dadkii dhibaatada abaaruhu saameeyeen.
Dawlada imaaraatka ayaa safiir cusub usoo magacawday dalka soomaaliya kaasoo madaxwayne xasan sheekh maxamuud kagudoomay warqadaha aqoonsiga isagoo shacabka soomaaliyeedna kala kulmay soo dhawayn diiran sababtoo ah shacabka soomaaliyeed ayaa ah dad jecel shacabka imaaraatka iyo dawladaba waayo dawlada imaaraatka ayaa usoo gurmata had iyo jeer shacabka soomaaliyeed wakhtiyada ad adag.
0 Comments