Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka Carabta u fadhin doona Soomaaliya ayaa soo gaaray muqdisho.

safiirka cusub ee imaaraatka.

 Safiirka cusub ee dowladda Imaaraadka Carabta u fadhin doona Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada muqdisho,iyadoo beryahan dambe dawlada imaaraatku tahay saaxiibka koowaad ee soomaaliya, dalka imaaraatka ayaa mucaawimaad badan siiya dalka soomaaliya una muujiya walaaltinimo buuxda.

Safiirka cusub ee dowladda imaaraadka carabta u fadhin doona soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada muqdisho, Isagoo iftiimiyay imaanshaha safiirka imaaraadka Carabta ee aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isagoo xusay in xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo imaaraadka uu yahay mid horumaraya, isla markaana soo hagaagaya dhinacyo kala duwan. Isagoo hoosta ka xariiqay in xiriirka Imaaraadka iyo soomaaliya uu soo hagaagayo tan iyo markii Dr. xasan Sheekh Maxamuud loo doortay madaxweynaha Soomaaliya may 15, 2022 si loo iftiimiyo in Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo imaaraadka Carabta ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan oo taariikhi ah, kaasoo soo maray horumar la taaban karo oo heer walba leh.

Madaxwaunahay soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud ayaa tan iyo ilaa maalinkii ladoortay waxaa soo hagaagayey xiriirka fiican ee ay dawlada jaarka iyo kuwa caalamkuba layeelanayaan soomaaliya, madaxwayne xasan sheekh maxamuud ayaa cilaaqaad aad xukuumadiisu laleedahay dalka imaaraatka carabta oo dalkeena soomaaliya marwalba is garab taaga.

Post a Comment

0 Comments