Madaxweynaha soomaaliya ayaa Sharma El-Sheikh kaga qaybgalay shirka cimilada adduunka.

madaxwayne xasan sheekh.
Madaxweynaha jamhuuriyadda ee sharma El-Sheikh si uu uga qaybgalo shirka cimilada adduunka Iyadoo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gaareen magaalada Sharmal Sheekh oo ay kaga qeyb galayaan Shirka Cimilada Adduunka, madaxwayne xasan sheekh ayaa ah nin wax badan uga faa,iidaysanaya shirarka uu kujiro.


Isagoo iftiimiyay in Madaxweynaha iyo khubarada Cimilada ee ku wehlinaysa la filayo inay madaxda caalamka uga warbixiyaan saamaynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed iyo qorshayaasha dawladda ee wax ka qabashada abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee isbeddelka cimilada, dalkeena soomaaliya oo cimiladiisa ayaa sii xumaanaysa.


Isagoo iftiimiyay in madaxweynaha masar, C/fataax Al-Siyaasi uu ka ballan-qaaday madaxweyne Xasan Sheekh intii uu socday Shir-madaxeedka Carbeed ee ka dhacay dalka Aljeeriya, inuu indhaha caalamka ku soo jeediyo saamaynta isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya ku yeeshay shirka uu dalkiisa marti-gelinayo, cimilada aduunka ayaa sii xuumaynasa beryahan iyadoo dalkeena soomaaliyana kasii darayso cimiladiisa.


Si loo muujiyo in xaaladda Soomaaliya ay meel wanaagsan mareyso xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, horumarkuna uu yahay mid cad oo joogto ah, madaxwayne xasan sheekh maxamuud ayaa tan iyo markii ladoortay kutalaabsatay xukuumadiisu horumar balaaran oo aan hore loo gaarin 30 kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa horumarkaas ugu horeeya ladagaalanka argagixisada iyo kor u qaadida amniga dalka.







 

Post a Comment

0 Comments