Wiilka madaxweynaha Afrikaanka ah dhalay ee goolka u dhaliyay Mareykanka

 

Timothy Weah

Timothy Weah oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Liberia George Weah, ayaa gool u dhaliyay xulka Mareykanka ciyaartii furitaanka koobka adduunka ee ku dhamaatay barbaro 1:1.


Madaxweyne Weah ayaa ku sugan dalka Qatar muddo sagaal maalmood ah si uu u daawado wiilkiisa oo haysta dhalashada Mareykanka oo ka qeyb galaya koobka adduunka.


Safarkiisa ayaa dhaliyay muran, ka dib markii uu wasiirka maaliyadda ee dalkaasi sheegay in madaxweynaha uu "xaq u leeyahay" lacag dhan $2,000 oo doolar oo gunno maalinle ah inta uu joogo Qadar.


Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in lacag intaas le’eg la siiyo Mr Weah maalintii ay ka hor imanayso ballan qaadkiisii ​​ahaa in uu dhimi doono kharashaadka dadweynaha isaga oo u door bidaaya “ajendihiisa u hiilinta dadka saboolka ah”.


Weah, ayaa ahaa ciyaartoygii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo ay FIFA siisay abaal marinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan sannadka

Post a Comment

0 Comments