Kooxda Barcelona ayaa soo gashay kaalinta Afaraad ee Horyaalka Spain kadib markii ay Xasuuq 4-0 u gestay kooxda Osasuna
Labo Gool uu dhaliyay Ferran Torres iyo Goolal ay ku kala dareen Aubameyang iyo Ricard Puig ayaa Barcelona ugu filneyd guusha ay ka gaartay Osasuna
Ferran Torres ayaa hogaanka u dhiibay Barca Daqiiqadii 14aad kadib markii Qalad lagu galay xidiga Gavi, 21 Daqiiqo kadib Ferran Torres ayaa goolkiisa labaad dhaliyay isagoo dhameestiray kubad uu ka helay Dembele
isla qeybta hore kubad uu kasoo shaqeeyay Ousmane Dembélé Daqiiqadii 27aad waxanaa shabaqa dhex dhigay Aubameyang waxana lagu kala nastay 3-0
Barcelona ayaa halkeeda kasii waday Goolasheeda waxana goolka afaraad u dhaliyay Riqui Puig Daqiiqadii 75aad Goolkan Waxaa mar Saddexaad kasoo shaqeeyay Dembelle oo banaanka soo dhigay waxana dhameestiray Riqui Puig kadib markii uu soo baxshay goolhayaha guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-0
Barca ayaa u safri doonta Galatasaray lugta labaad ee wareega 16ka Khamiista ka hor El Clasico Real Madrid kula ciyaari doonto Santiago Bernabeu seddex maalmood ka dib Osasuna ayaa ciyaari doonta sabtida marka ay marti galinayaan Levante kulan ka tirsan La Liga
0 Comments