Tuulo ku taala waddanka Indonesia laguna magacaabo "Kampung Pelangi" ayaa ahayd tuulo lagu tiriyo deegaamada ugu liita gobolka ay ka tirsanayd ma aysan lahayn nadaafad buuxda dawladdu ma aysan danayn jirin dayac iyo darxumo wayn baa ka muuqatay balse maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin macallin dugsi ka ahaa tuulada ayaa waxa uu soo jeediyay in guryaha la mariyo midabbo (rinji) kala nooc ah halkii guriba ugu yaraan seddex midab oo kala nooc ah dusha sare iyo hareeraha guryaha
Durbadiiba dadkii tuulada deggenaa waa ay aqbaleen fikradaa waana bilaabeen isla maalmo gudohoodba waxaa la rinjiyeeyay 223 guri muuqaalkii wuxuu isu beddelay goob indhaha soo jiidata oo aad u qurxoon waxaa billowday in loo soo dalxiis tago oo sawirro la isaga qaado waxaa kordhay dakhligii tuulada oo aad u hooseeyay markii hore waxa ay soo jiidatay indhihii xukuumadda oo iyana bilowday inay tuuladaas ugu deeqdo lacag dhan 300 oo Million oo Rupiahs lacagta Indunuusiya
Waxaa la sii kordhiyay guryihii la rinjiga la marinayay illaa ay gaareen 390 guri waxaa kaloo lagu daray waddooyinkii buundooyinkii kuraastii jardiinooyinka (goobaha nasashafa) waxaa sii batay dalxiisayaashii lacagihii ka soo xeroonayay sare ayay u kaceen waxay noqotay meel ay sawir-qaadayaashu isugu yimaadaan waxay isu rogtay tuuladii yarayd ee aan magaceeda la aqoon mid caan ka noqotay dalkaas meel nadaafadeedu ay ka soo rayso oo dhalaasha Indhahana soo jiidata illaa ay dadku ku magacaabaan tuuladii deegaanta (Qaanso-roobaadka) midabbadeeda kala duwan awgeed Dowladda ayaa u qorsheesay miisaaniyad gaar ah oo dhan 2 Billion oo Rubbi (IDR).
Dadka degaankaas deggan ayaa ku tilmaamay arrintaas inay tahay guul wada jir ah oo ay gaareen dowladda ayaa u qorsheesay miisaaniyad gaar ah oo dhan 2 Billion oo Rubbi (IDR) miisaaniyadaas ayaa noqonaysa mid lagu hagaajinayo oo laguna qurxinayo jidadka iyo buundooyinka waxaa kaloo lagu nadiifinayaa oo qashinka lagaga gurayaa biyaha webbiga mara tuuladaas si ay meeshu u noqoto goob caafimaad ahaanna u wacan dalxiiska, loogana yimaado daafaha caalamka tuuladaas sida sawirka ka muuqata waxay ahayd mid kuweena oo kale ah oo aan indhaha u roonayn
Balse biliooyin gudahooda waxa ay noqotay goob caalami ah oo loo soo daawasho tago waxaana sidaa u beddelay waa macallin aan xukuumad iyo hay'ado waxba ka sugin oo maskaxdiisa maalay kumana uusan calaacalin madaxdeenu waxba nooma qabtaan xukuumadduhu nama daneeyaan canbaareen joogta ahna dusha kama saari jirin cid kale ee isaga ayaa go'aansaday in uu tuuladiisa ka soo saaro hogga faqriga geeyana fagaaraha horumarka idimka alle dabadii
Haddii aan cabashada joojino oo aan maskaxda iyo muruqa tuujinno waan ka bixi doonnaa dhibaatada dalkeenna heysata oo badankeen ku fekerayo in dad kale naga saari karaan laakiin taasi waa fikrad qaldan
0 Comments