21 Habeen Marka Uu Ilmuhu Uurka Ku Jiro Ayaa Uu Shaqada Bilaabaa, Kuma Yaallo Dhinaca Bidixda Ee Laabta, Qosolkuna Waa Dawadiisa (1)

 

mucjisooyinka aadamaha

Tehran (Geeska)- Wadnuhu waa xubinta ugu awooda badan jidhka aadamaha oo ah mishiinka ka shaqaysiiya qaybaha kala duwan oo dhan Waxa uu shaqadiisa bilaabaa marka uu ilmuhu 21maalmood oo keliya ku jiro uurka hooyadii waxa aanu shaqada wadaa illaa ilbidhiqsiga u dambeeya ee nolosha qaabka abuurka wadnaha bani’aadamka oo inta badan aanay dadku ka warqabin

1) Xanuunka kansarka oo la ogyahay in uu ku dhaco dhammaan qaybaha kala duwan ee jidhka aadamaha marmar dhif iyo mar la arag ah ayaa uu ku dhacaa wadnaha sababtuna waa unugyada wadnaha oo iska ilaaliya in ay qaybsamaan Qaybsanka ku dhaca unugyada ayaa ah sababta keenta kansarka 

2) Qosolku waxa uu u fiican yahay caafimaadka wadnaha waxa uu yareeyaa cadaadiska iyo culayska shaqadu ku keento waxa aanu xoojiyaa habdhiska difaaca qofka

3) Wadnaha bani’aadamku ku yaallo halka aynu aaminsan nahay in uu jidhkeena kaga jiro oo ah bixida sare ee saableyda waxa se uu ku yaallaa badhtamaha sare ee saableyda waxa aanu si toos ah ugu hoos yaallaa lafta ku taalla halka ay isugu yimaadaan lafaha feedhuhu oo ah xabadka lafta loo yaqaano sakaarka ayaa uu wadnuhu ka hooseeyaa haddii laga tegi waayana in aad u yar oo aan si fiican loo dareemi karin ayaa uu u xigaa dhinaca bidix

4)Xanuunnada wadnuhu waa kuwa ugu badan ee dunida maanta ka jira wadnuhu waxa uu le’eg yahay tontoomada gacanta (Gacanta marka sida feedhka loo duubo)

Post a Comment

0 Comments