Xaliima khaliif cumar magool, waxay ku dhalatey gobollada dhexe gaar ahaan Beledweyne sanadkii 1943kii, halkaas ayeyna ku soo barbaartay , magool iyadoo Da’deedu aad u yar tahay ayey ku biirtay fannaaniintii gobollada waqooyi , Halkaas oo ay gacan weyn ku siiyeen inay fanka qeyb weyn ka qaadato Abwaanintii iyo fannaaniintii halkaas ku sugnaa oo ay ugu cadcaddaayeen xuseen Ow faarax iyo faannaankii weynaa ee axmed maxamed good shimbir.
Magool waxay hibo u heshay cod wanaagsan oo qof kasta oo dhegeysta Heesaheeda uu la dhacayey taasoo u soo jiidday magool in mu’allifiinta Somaliyeed ay ku deeqaan heesahooda cusub isla markaasna ku lammaaninaya Xulka fannaaniinta waaweyn sida maxamed suleymaan, cusmaan aaden gacanlo, Maxame axmed kuluc, cabdi salaad aden beerdillaacshe, muuse ismaaciil qalinle Iyo maxamed mooge liibaan.
Heesaha jaceylka ah ee ay caanka ku tahay magool waxaa ka mid ah iyagoon kala Dhicin, Maba tallabsan karaye (kaligeed)2. Idil (iyada axmed maxamed good “shimbir”)3. Ashqaraar (iyada iyo maxamed axmed kulucb 4. Jaceylkii ku dhego tira (kaligeed) 5. Dhimbilo qurac (iyada iyo muuse ismaaciil qalinle 6. Shimbir (kaligeed) 7. Ubax la mood (kaligeed) 8, Immadadaali daali (iyada iyo cusman gacanlo) 9. Dadnimada aqoonso (iyada iyo maxamed axmed kuluc).
Magool waxay u tagay dalal badan iney ka dhigto bandhig faneedyo iyadoo la Socota fannaaniin kale sida dalka suudaan , khaliijka iyo kuwo kale, magool Waxay gaartay heer ay reer suudaan waxay gaareen jeceyla ayb u qabaan xaliima Khaliif magool inay dhulka soomaalida ku magacaabaan (ardi xaliima) dhulkii Xaliima, tirada riwaayadaha oo ay wax ka jishay magool in kasta oo ay fara ku tiris yihiin haddana waa kuwa ka tilmaaman riwaayadihii dalka soo maray waxaana ka mid ahaa.
0 Comments