Inkasto sanadahan dambe la casriyeeyay, heesaha fanka Soomaalida inta ugu badan waxaa la isticmaala agab sahal ah,sida kabanka, gitaar, durbaanka, narsada, turunbada, sacabka iyo noocyo kale. Sida badan, heesaha fanka Soomaalidu waa kuwo degan, dhandhan fiican leh, oo inta ugu badan si sahlan loo sameeyo, fanka Soomaalida waxaa diyaariya dad badan oo kala duwan, kuwaas waxaa ka mid ah abwaanka (qofka sameeya sheeko, gabay, hees laxanmiiste, fanaan, jilaa, atoore, muusigyahan iyo kuwo kale.
Fanka soomaaliyada ayaa ahaan jiray waagii hore mid aad u hor marsan oo ay dawladu kor uqaado kuna bixiso lacag fiican si uu meel sarre ugaaro, laakiin hada waxaa jira kooxo iskood isukaashada oo iyagu gaar ahaan isu abaabula daboolana kaalintii loo baahnee fanka soomaaliyeed kuwaas oo magaalo kasta badanaa kajira kana tuna aroosyada xafladaha iyo munaasibada, kuwa dawliga ah iyo kuwa shacabku leeyahay intaba.
Soomaalida ayaa ah dadka aad ujecel sugaantooda dhamaanteen xiis gabay iyo waxkastoo dhaqankooda ah iyagoo soomaalidu badanaa heesaha aad u dhegaystaan shacabka ayaa jecel fankooda iyagoo ku faana markasta, waxaa intaas dheer in markasta fanaaniin cusub iyo abwaaniin cusub soo baxaan sameeyaana heeso cusub oo shacabka soomaaliyeed soojiita meelkasta oo ay dunida dacaladeeda kaga noolyihiin.
0 Comments